Gabay Cali Dhuux Iyo Sayidka? The 165 Latest Answer

Are you looking for an answer to the topic “gabay cali dhuux iyo sayidka“? We answer all your questions at the website Ppa.aseanseafoodexpo.com in category: 970+ tips for you. You will find the answer right below.

Dagaal Afeedkii Cali Dhuux Aadan \u0026 Sayid Maxamed Cabdulle

Dagaal Afeedkii Cali Dhuux Aadan \u0026 Sayid Maxamed Cabdulle
Dagaal Afeedkii Cali Dhuux Aadan \u0026 Sayid Maxamed Cabdulle


See some more details on the topic gabay cali dhuux iyo sayidka here:

Sayid Maxamed iyo Cali Dhuux | Hoyga Suugaanta ee Doollo

Cali-Dhuux Aadan Goroyo wuxuu ahaa gabayaa laf-dhuun-gashay ku noqday … Meelo badan ayey Sayka iyo Cali gabay isku weerareen laakiin Cali wuxuu mar …

+ Read More

Source: www.doollo.com

Date Published: 3/14/2021

View: 7109

Abwaan Cali dhuux Aadan Goroyo – Facebook

Cali dhuux iyo saykuba waxay ahaayeen laba nin oo marka laga hadlayo … waxba yaan hadal kugu daaline gabaygan soo socdaa waa gabay

+ View More Here

Source: www.facebook.com

See also  La Vida Lena October 28 2021 Full Episode? The 74 Correct Answer

Date Published: 1/7/2022

View: 4845

Gabaygii Cali Dhuux & Sayid Maxamed Abdulle Xassan

Stream Gabaygii Cali Dhuux & Say Maxamed Abdulle Xassan by Abdullahi Ali Hiirad on desktop and mobile. Play over 265 million tracks for …

+ View More Here

Source: soundcloud.com

Date Published: 2/24/2021

View: 8011

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga ku isticmaala,Sayid Maxamed …

Raggaa waxaa ka m ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale. Sayka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, …

+ View More Here

Source: newsfromsomalia.net

Date Published: 5/18/2021

View: 8541

Soomaalida iyo maansadeeda: Taariikh kooban

Gabayada Sayka waxaa laga baran karaa in badan oo ku saabsan dhacdooyinkii … Waxaaa bilaabay oo gunaanadey Cali-dhuux Aadan, waxaana ka qayb-galay rag.

+ Read More

Source: www.hoygamaansada.com

Date Published: 9/6/2021

View: 1825

Tuuggi Reer Xamar Somali Poetry – Hoyga Suugaanta

Huuraale Cali Jaamac iyo huluq dameerbaa leh. Cali Jaamac Haabiil gabaygaas wuxuu kaga jawaabay gabay aannaan wada hayn oo uu ku dhaleecaynayo Ina Cabdilla …

+ View More Here

Source: www.hoygasuugaanta.com

Date Published: 6/18/2022

View: 5160

Sayid Maxamed iyo Cali Dhuux

Cali-Dhuux Aadan Goroyo wuxuu ahaa gabayaa laf-dhuun-gashay ku noqday jihaadkii iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kaga soo horjeeday Ingiriiska, Amxaarada, iyo Talyaaniga. Wuxuu Cali-Dhuux caadaystay inuu diradireeyo collaadna ka dhex abauuro Soomaalidii Sayidka gacansaarka la lahayd ama kuwii Daraawiista taageri jiray iyo qabaa’iladdii kohl ee Soomaliyeed. Wuxuu mar walba isku dayi jiray inuu tolkii, Dhulbahante, ka hor keeno Sayidka. Laakiin sida Soomaalidu ka war qabto, Sayidku wuxuu ahaa nin raganimada meel cidla ah u taagan oo aan geesinimo, garasho, gabay, cilmiga diiniga ah, deeqsinimo, iyo aftahanimo cidna ku haysan, Ingiriis iyo cawaamkiina meel iska mariyey. Sidaa oo kale Sayidku wuxuu ahaa hogaamiye gacan adag oo qofkii cadowga usoo raaca abaalkii ka waraabiya markii uu u gacan galo.

See also  Venta De Lotes Ganga San Lucas Sacatepéquez? The 249 Detailed Answer

Sidaa awgeed waxaa la sheegay ragga godobta ka qaba Daraawiish inay aad uga baqi jireen Sayidka dakanada ay ka qabaan Daraawiista iyo halgankaba darteed. Waxaa la wariyey in Cali-dhuux maalin maalmaha ka mid ah Wax ka sheegay Sayidka iyo ciidmadiisaba, dabadeed Sayidka qadafkii la gaadhsiiyey. Sayidka ayaa dabadeed Cali u faray farin kooban oo aan hadda ka hayno:

Rabboo ku caynshiyo annoo, ku cafa mooyaane

Wallee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle

Oo caadhkii weynaa hablihii, ku catirayn maysid

Waxaa la sheegay in Cali markii fariintaa la gaadhsiiyey uu u qaxay Burco oo markaa gacanta Ingiriiska ku jirtay oo uu ka xamaan uruursaday Buuhoodle, Ingiriisna miciin biday. Ilmo adeero waa intii ist taqaana ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa, Cali aad ayuu Sayidka u laab ogaa wuxuuna hubay in Daraawiishi qisaasi doonto haddii ay Buuhoodle kusoo gaadho. Meelo badan ayey Sayidka iyo Cali gabay isku weerareen laakiin Cali wuxuu mar walba ku dadaali jiray in Sayidka iyo aagii lagu sheegaba uu ka warwareego oo aanay fool ka fool isaga hor imanin.

Hoos waxaan kusoo qaadanaynaa laba gabay oo ay Sayid Maxamed iyo Cali-Dhuux is dhaafsadeen. Cali ayaa ku horeeyey oo isaga oo Sayidka halgaadaya, Dhulbahantena doonaya inuu Daraawiish ku diro wuxuu yidhi:

Abtiyaalladaa iyo ku nece, urrtii Reer Khayre

Arboow Jaamac iyo Aadaniyo, Oogle kaa tage e

Waxaan uubateeyaba tolkey, oodda soo jebiye

Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka ma ahayne

Waa uur gaslow Aadan-dhagax, odayadaadiiye

Abtirsiinadaa Waxay Gashaa, Eyda Reer Xamare

Arxan nimaan u gelihaynin, oo ina Ogaadeena

See also  Precio De Liposucción En El Salvador? 38 Most Correct Answers

Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye

Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ahaa maanso ruug aan hadalka loo qarin karin aadna u il dheer oo mid walba oo maanso is bida tub cidla ah qaadsiiya. Wuxuu Sayidku ku jawaabay:

Aw Yuusufov eray yar baan, ku erginaayaaye

Hadduu Eebbaheey kuu idmood, ururta weyn gaadho

Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey

Ku ansixi halkii aan ku idhi, aadna ugu fiirso

Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora

Ogaadeen haddaan ahay papa, wow amar sareeyaaye

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye

Abtirsiimadey Waxay Gashaa, Odayo Waaweyne

Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode

Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws)

Sayidkii Axmed ahaana, wow wow runna ahee

Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye

Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye

Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta

Islaameedku wuxuu ii yaqaan, Ehelu kharykiiye

Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye

Adiguna Abbaanow midgaan, uraya sau ma ihid?

War sow kii Illaahay nacee, eyga qalay ma ihid?

Đăng nhập Facebook

note

Bạn phải đăng nhập để tiếp tục.

Gabaygii Cali Dhuux & Sayid Maxamed Abdulle Xassan by Abdullahi Ali Hiirad

JavaScript is disabled

You must enable JavaScript to use SoundCloud

Related searches to gabay cali dhuux iyo sayidka

Information related to the topic gabay cali dhuux iyo sayidka

Here are the search results of the thread gabay cali dhuux iyo sayidka from Bing. You can read more if you want.


You have just come across an article on the topic gabay cali dhuux iyo sayidka. If you found this article useful, please share it. Thank you very much.

Leave a Comment